Waa Maxay SEO?

Search Engine Optimization oo loo soo gaabiyo SEO waa istiraatiijiyad suuqgeyn dhinaca dhijitaalka ah taasi oo website yada iyo goobaha ganacsiga ka caawisa in badeecadooda laga helo mashiinada wax lagu baaro ee internetka sida Google, Bing, iyo Yahoo.

Haddii aad rabto inaad si cod ah oo presentation ah aad u daawato macluumaadkaan waxaad halkaan ka heli kartaa koorso bilaash ah. Haddiise aad rabto inaad barto oo ku shaqeysato waxaad iibsan kartaa koorsadeena.

Qaab ahaan, SEO gu wuxuu ku saabsanyahay in la fahmo sida looga faa’iidaysan karo (algorithms) ama mashiinada goobahaas aan soo xusnay ee ay dadku wax ka baartaan ay u shaqeeyaan.

Marka la fahmo mashiinadaasi waxaa fududaanaya in laga faa’ideysto si ay u caawiyaan ganacsiga iyo macluumaadka ay dadku internetka ka dhex raadiyaan maalin walba iyo saacad walba.

Fahanka SEO gu wuxuu qurxiyaa hab dhigaaleedka mareegta iyo qaabka loo dhiso farsamo ahaan oo waa in mareegtaas la waafajo xeerarka ay dajiyeen shirkadaha iska leh mashiinada aan wax ka baarno.

Ujeedada SEO gu waa in la hubo in dadku si dabiica ah oo sahlan ay u soo helaan macluumaadka ama ganacsiga ay markaas internet ka ka raadinayaan. Haddiiba uu sidaa yahana waxaa muuqata in SEO gu yahay mid muhiim u ah ganacsiga.

Muxuu SEO gu Muhiim u Yahay?

SEO gu dhowr meelood ayuu ka khuseeyaa mareegta aan maalin walba isticmaalno midda koobaad waa waxa si dabiici ah websiteka siiya booqadayaal uusan milkiiluhu wax lacag ah ku bixin. Midda labaad maadaama la raacayo xeerar iyo tilmaamo ay dajiyeen shirkadaha iska leh mashiinada wax laga baaro, tani sidoo kale waxay caawineysaa dadka wax baarta oo si fudud u hela wixii ay raadiyeen oo noqon kara macluumaad muhiim ah ama alaab ay rabaan in ay iibsadaan.

Midda ugu muhiimsan waxay tahay in maadaama teknolojiyaddu isbadaleyso mar walba SEO gu wuxuu la socdaa isbedelkaas xawaaraha ku socda kolkaana waxaa lagu khasbananayaa in sidoo kale la casriyeeyo mareegaha internetka.

Sidee Mashiinada wax lagabaarto u Shaqeeyaan?

Mashiinada wax laga baarto sida Google waa algorithms u dhaqma sidii albaabka laga maamulo internet ka oo dhan qofka raba inuu fahmo sida ay u shaqeeyaanna waa inuu fahmaa SEO ga.

Haddaba si aan u fahno sida ay mashiinadaan u shaqeeyaan waa inaan baranaa ereyada kala ah (Crawling, Indexing Algorithms iyo Ranking )

Waa Maxay Crawling iyo Indexing?

Crawling

Tallaabada ugu horeeysa ee mashiinada wax laga baarto ay sameeyaan waa in mashiinadooda oo loo yaqaano (bots) sidoo kalana lagu tilmaamo in ay u xamaartaan sida caaracaarada ay dul heehaabaan internet ka. Mashiinadaan sida caaracaarada u garguurta waxay si gaar ah u dulmaraan website yada iyagoo raaca linkiyada website, masawirada iyo muuqalada ku jira halkaa oo ay isku dayaan inay fahmaan.

Ujeedadoodu waa inay uruuriyaan macluumaadka halkaa ku jira kadibna ay u diyaariyaan shaqada xigta oo ah Indexing.

Indexing

Marka mashiinadaasi sida caaracaarada u dhaqmaa ay dul maraan website yada intenet ka ku jira waxay fahmaan wax mid walba ku saasbanyahay kadibna waxay isugu duwaan sida ay iskula xiriiraan si lamid ah sida maktabada buugaagtu u leedahay qeeybo la dhigo buugaagta isku mowduuca ah shaqadaas ayaa Indexing la yiraahdaa.

Waa Maxay Algorithms iyo Ranking?

Algorithms

Marka shaqadii hore ay soo qabteen mashiinadii aan kor ku soo baranay, waxaa dhaqada la wareega algorithms casri ah oo isku shaandheeyn ku sameeya waxyaabihii ay caaracaaradu isku duwday. Waxay mashiinadaan casriga ahi isugu duwaan macluumaadkaas sida ay iskula xiriiraan oo ay isku quseeyaan.

Wax yaabaha ay Algorithms kaani si gaar ah u beegsadaan waxaa ka mid ah ereyada la isticmaalay ( Keywords), tayadda qoraalka (content quality), inta website ee qoraalka ama website ka xigatay (backlinks), sida aqristuhu ugu raaxeysanayo qormada iyo dhismaha websiteka (user experience), iyo wax yaabo kale oo badan. xusuusnow haddii aad rabto inaad si farsamo ah oo maqal iyo muuqaal ah u barato waxyaabahaan oo dhan waxaad ka heli kartaa koorsadeena.

Ranking

Markii algorithms ay sidaa u fahmaan waxa macluumaad kastaa ku saabsan yahay iskuna duwaan ayaa waxaa howsha la wareega mashiinada qaabilsan dalacsiinta iyo abaal marinta macluumaadka ay dadku raadinayaan tan oo loo yaqaano (Ranking).

Tusaale qof baa Google ku qoray “Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya” qofkaas wa wuxuu qeeybta ugu koreeysa ee Google ka helayaa website ka ay mashiinadaasi soo xuleen.

Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya

Markaad eegto sawirka natiijadda uu qofkii ereyadaas baaray helay waxaa kuu cad in website kaasi dhowr jeer isticmaalay ereyadii uu qofku ku qoray Google ka ee ahaa “Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya” waa sababtaas ujeedada ay mashiinada Google ku kor u soo saareen website kaas.

Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya


Waa Maxay Local SEO?

Qeeybtii hore ee SEO ga waxaan ku soo baranay si guud SEO ga iyo si gaar sida website yada internetka ku jira ay u isticmaalaan SEO iyo sida ay mashiinadu u shaqeeyaan hadda waxaan baraneynaa waxa laga wado Local SEO.

Local SEO waa sida ay mashiinadaasi ula dhaqmaan ganacsiga gudaha sida tukaamada, maqaayadaha, hoteelada, goobaha caafimaadka ee magaalo kasta.

Tusaale marka aad google ku qorto ” Maqaayad” oo afingiriis ah (Restaurant) waxaa kuu soo baxaya maqaayada ku yaalada magaalada aad dagantahay sababta aad maqayaadahaasi u arkayso waa in ay isticmaaleen waxa loo yaqaano Local SEO.

Waa Maxay Local SEO


Leave a Reply

Your email address will not be published.