About Us

Taariikhda

Sidee ku bilownay?

2013 kii ayuu Ustaad Maxamed Cabdullahi Aadan si qof qof ah u bilaabay koorso ku saabsaneyd Sawir Qaadista oo 5 arday ay iska diiwaangalisay kadibna waxay ardaydu soo jeediyeen in la heli meel online ah oo koorsada oo duuban ay ardaydu ka heli karaan maadaama macalinka iyo ardaydu aysan isku xilli ahayn.

Waxaan markaa bilownay inaan si ku meel gaar ah u sii isticmaalno website la oran jiray Ifiye Media oo tan iyo 2020 ay ardaydu koorsooyinka ka qaadan jireen. 2022 ayaan diiwaan galinay magaca Iskuul Academy oo si toos ah u hoos taga Shirkadda Interactive Fusion Media oo ka diiwaan gashan dalka Canada.

Ujeedada

In ardaydu helaan aqoonta xirfadaha ee aysan dalka ka heli karin

Soomaali waxaa ka jira xarumo badan oo wax barasho oo runtii wax wayn u haya ummadda Soomaaliyeed ee muddo badan colaadaha ku soo jiray. Waxaa hubaal ah in xarumahaasi ay leeyihiin manaahij u gaar ah iyo hab ay dadka wax u baraan taasi oo ka dhigan inaysan dabooli karin dhamaan baahida wax barasho ee ay dadku qabaan. Iskuul Academy wuxuu si gaar ah diirada u saaraa wax barashada la xiriirta dhinaca xirfadaha oo marka ardaygu qaato uu duuba howl galin karo.
Ujeedadeenu waa in la buuxiyo booska bannaan ee dhinaca wax barashada.

Falsafadda

Isticmaalka Teknolojiyadda

Waxaa lagu jiraa xilli ay teknolojiyaddu adduunka hogaamineyso oo xilli kasta ay wax cusub soo baxayaan sidaa owgeed waa muhiim in dadkeenuna la jaan qaadaan. Iskkul Academy wuxuu xoogga saarayaa adeegsiga teknolojiyadda casriga ah.

Latest News