Waa Maxay Local SEO?

Xilligaan dhijitaalka casriga ah waxaa muhiim ah in ganacsi karta uu leeyahay muuqasho dhinaca online-ka ah sababtoo ah macaamiishu waxay dhex joogaan mareegaha internet ka.

Mar haddii ganacsigaagu u baahan yahay macaamiil hor leh maalin walba, waa muhiim inaad isticmaasho tiknolojiyad kasta oo qeeyb ka qaadan karta in ganacsigaagu koro. Search engine optimization (SEO) wuxuu qeeyb ka yahay farsamooyinka aad isticmaali karto ee lahubo inuu qeeyb wayn ka qaadan karo horumarinta ganacsigaaga noocuu doono ahaadee.

Macaamiishu waxaay isugu jiraan kuwo kugula nool magaalada aad ganacsiga ku leedahay iyo kuwo dibadaha ku nool, inkastoo si guud SEO gu uu labadaba bartilmaameedsan karo haddana Local SEO ga ayaa si gaar ah loogu talagalay macaamiisha gudaha ee ku nool magaalada uu ganacsigaagu ku yaalo.

Waa Maxay Local SEO?

Local SEO waa habka ay ganacsiga guduhu u beegsan karaan dadka isticmaala mareegaha wax laga baaro sida Google iyo Bing ee ku nool goobta uu ganacsigaasi ku yaalo.

Marka ganacsaduhu isticmaalo Local SEO ga wuxuu fursad u helayaa in ganacsigiisu helo macaamiil cusub ee adeegiisa, iyo badeecadiisa ka soo helay mareegaha wax laga baarto sida Google, Bing iyo Yahoo.

Local SEO waa habka ay ganacsiga guduhu u beegsan karaan dadka isticmaala mareegaha wax laga baaro sida Google iyo Bing ee ku nool goobta uu ganacsigaasi ku yaalo.

Haddaba si ay taasi u suurtowdo waa in ganacsaduhu shaqaaleeyaa qof yaqaana SEO ama in haddii isagu uu yaqaano sida loo howlgaliyo wuu ka taxadaraa dhinacayada soo socda.

1- Google My Business Page

Inaad sameeysato page dhinaca Google iyo Bing ah oo aad galiso dhamaan macluumaadka ganacsigaaga.

2- Local Keyword Research

Inuu isticmaalo ereyada quseeya badeecadiisa ee ay baarayaan dadka ku nool magaalada uu ganacsigu ku yaalo

3- On-Page SEO

Inuu website isticmaalo kuna xiro Google page kiisa. Website ku waa inuu waafaqsanyahay dhamaan hannaankii SEO ga.

Gunaanad

Local SEO ga waa u muhiim ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka jaagaan gaar ahaan kuwa ganacsiga ku leh gudaha qaarada Afrika siiba Soomaaliya.


Haddii anu ganacsaduhu isticmaalin Local SEO wuxuu ganacsiguusu ku ekaanayaa inta qof ee taqaana waxaana halkaa ka baxaya in ganacsigaagu koro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.